Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu askari xanaaqsan oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.
Hooyo Cudbi oo iska leh maqaayadda ayaa Shabelle Tv uga warrantay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay in marar badan uu dil ugu hanjabay askarigaas oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Axmed Yuufuf oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.
“Waxaa bambada igu soo tuuray nin la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Yuufuf Raage, kana mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo hadda kahor ii hanjabay oo i yiraahday deyn haddii aad ii diido waa dhimanee” ayay tiri hooyadan Soomaaliyeed.
Sidoo kale hooyo Cudbi ayaa faahfaahisay sida uu falkan u dhacay, waxayna sheegtay in askarigan ay isku qabteen bixinta lacagta qadada, kadibna sidaas ku qarxiyay maqaayada.
Waxa ay intaasi kusii dartay “Marka uu bambada tuuray wuu cararay wuxuu toos u galay isbitaalka Xoogga, aniga iyo ilmaheedana waa nala qaaday, waxaana nala geeyay Kalkaal”.
“Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo dhibane ah oo ilmaheedii dhaawac yihiin oo iyadu dhaawac ah, mana jirto wax naga soo war doonay” ayay sii raacisay.
Ugu dmabeyn waxa ay dalab culus u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay ugu baaqday inay cadaalad hesho, si loo soo qabto eedeysanaha.