Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab

0

Madaxwweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Xudur ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa, isaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan Koonfur Galbeed ka bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo diyaar garoobay dagaalka wajigiisa labaad, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Siyaasadda dagaalka ee wajiga labaad waa la diyaariyay, waana qorsheysan tahay, waana bilaaban doontaa taas waa sugeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidanka Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Macawiisleyda, isaga oo ugu baaqay inay u dhaqaaqaan deegaanada Al-Shabaab.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa saraakiisha iyo ciidamada ugu baaqay in aysan dib usoo laaban oo ay horay usii socdaan, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

“Waa inaan sida aan hadda nahay wax ka beddalno, abaabulka inaan wax ka beddalno, howlgallada inaan wax ka beddalno, fadhiga inaan wax ka beddalno, jiifka waa inaan wax ka beddalno, kadibna aan socono” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalkan uu wax ka hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh marka uu kasoo dhamaado deegaanada Glamudug.
Ad
Previous articleDhacdo naxdin leh oo ugub ah oo ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo
Next articleBeesha Xawaadle oo Markale Maantay Ciidamadii ugu Badnaa U rartay Deeganada Alshabaab ka maamulaan Hiiraan