Home Wararka Maanta Wasiirkii Dhawaan Uu Qoor Qoor Xilka Ka Qaaday Sir layaab leh kashifay

Wasiirkii Dhawaan Uu Qoor Qoor Xilka Ka Qaaday Sir layaab leh kashifay

0

Wasiirkii Gaadiidka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud oo dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qabtay shir jaraa’id, wuxuuna shaaciyey musuq baahsan oo sababay inay isku dhacaan isaga iyo wasiirka maaliyadda Galmudug, kadibna isaga xilka laga qaado.

Inta badan khilaafka sababay in xilka laga qaado wasiir Cabdirisaaq wuxuu salka ku hayaa dhismaha garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo isticmaalka dekedda Hobyo.

Wasiirkaan xilka laga qaaday ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban uu leexsaday lacag hal milyan oo dollar ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu deeqay garoonka Dhuusamareeb, si loogu dhiso.

Hadda wuxuu sheegay in la helay mashruuc malaayiin dollar ah oo beesha caalamka ay dooneyso in lagu dhiso garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, balse uu cabsi weyn ka qabo in la musuq maasuqo, taasina ay horseedo in dib loo aamini waayo maamulka iyo dadka reer Galmudug.

Sidoo kale Wasiir Cabdirisaaq wuxuu sheegay in lacago badan ay wasaaradda maaliyadda Galmudug ku xujeysay ganacsato dooneysay inay badeeco kala soo degto dekedda Hobyo, isla markaana loo soo dacwooday wasaaradda gaadiidka Galmudug oo isagu uu hoggaaminayey.

“Nasiib darro ninkii intaas oo qalad ah ka galay dadka reer Galmudug waxaa lagu abaal mariyey Senator ka tirsan BFS, sidoo kale waxaa loo dhisay guriga ugu qaalisan Galmudug,” ayuu yiri wasiirkii gaadiidka Galmudug oo dhawaan xilka laga qaaday.

Ugu dambeyntii Wasiir hore Cabdirisaaq Maxamed ayaa Madaxweynaha Galmudug kula taliyey in maamulkiisa ragga burburinaya uu iska qabto, “Hadii Maxaxweyne aad rabto in dib laguu doorto meel aad ku soo noqoto sii dhiso,” ayuu yiri.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, in wasiirkaan xilka laga qaado waxaa Madaxweynaha ka codsaday wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Gaban, oo ah saaxiibka koowaad ee Qoor Qoor, maadaama ay isku qabteen mashaariic dhowr ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyay Alshabaab oo Shabeeloow Laga Saaray
Next articleDonald Trump oo sheegay haddii dib loo doorto 2024 inuu diidi. Doono qoxootiga ka imaanaya Qasa, Suuriya, Soomaaliya, Yaman yo Liibiya