Home Wararka Maanta Wasiir Biixi Iimaan Cige oo Shaaciyay Waqtiga Lagu Dhawaqaayo Dayn Cafinta Soomaaliya

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo Shaaciyay Waqtiga Lagu Dhawaqaayo Dayn Cafinta Soomaaliya

0

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dibadda ayaa war cusub kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan marayo dhamaad.

Ugu horreyn wasiirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixintii u dambeysay ee laga soo saaray deyn cafinta Soomaaliya oo ay IMF si weyn ugu boggaadisay dowladda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay sugayaan kaliya in lagu dhawaaqo go’aanka, isaga oo sheegay inuu soo bixi doona bisha December ee sanadkan 2023-ka.

“Waxaan rabnaa in deyn cafinta ay dhammaato bartamaha bisha December ee soo socota muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta” ayuu yiri wasiir Biixi Imaan Cige.

Bixii ayaa hadalkiisaraaciyay “Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono”.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in arrinay ay ku timid dadaalka ay dowladda ka sameysay dakhliga gudaha oo uu xusay in 25% horumar ballaaran laga sameeyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la maareeyay canshuur dhaafka dalka oo markii hore dhibaato weyn ay ka jirtay, taasina ay keentay inuu sii horumaro dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka socda ay bixiyaan canshuuraha, si ay u helaan adeeg dadweyne oo muhiim ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna bozgaadinayaa inay door ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirku.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo War kasoo Saaray Qarixii Saakay ay ku Baabiyeen Saldhigii Ceelsha Biyaha
Next articleTaliska Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha