Xukuumadda Somaliland ay si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga ay shalay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.
“Tallaabadan (aqoonsiga DF bixisay) waa weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada-jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waana arrin khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.
Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.
“Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”
Somaliland ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, ayna ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dowlad dimuqraadi ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.
Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, sida lagu yiri qoraalka.