Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalado kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.
Xubanaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu damacsan yahay inuu awood ku maquuniyo cid kasta oo kasoo horjeedo qorshihiisa, sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay dallada ay ku mideysan yihiin mucaaradka Puntland lagu sheegay in Deni uu ka shaqeynayo iska hor imaad ka dhaca caasimada, si ay mar kale colaad uga dhacdo caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.
Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada gaarka ah ee PMPF loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiinta kasoo horjeedo madaxweynaha, iyaga oo sheegay in loo diyaarinayo dagaallo mar kale dhaca si lamid ah kuwii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso.
Farriimaha kasoo baxaya mucaarada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee Puntland, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada.