Home Wararka Maanta Wiil Soomaali ah oo shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada...

Wiil Soomaali ah oo shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii….

0

Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Wiilkan 23 jirka ah, magaciisana aan la sheegay, ayaa la sheegay inuu dhacdadan ku sameeyey dibedda Xafiiska Socdaalka iyo Ajaaniibta ee magaalada Larnaca, taasi oo dhalisay in qeybo ka mid ah jirkiisa uu gubto.

Saraakiisha booliska ayaa si deg deg ah usoo faro-geliyey arrintan islamarkaana damiyey dabka. Wiilka ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana la sheegay inuu si aad ah u gubtay, oo xaaladdiisa ay darran tahay.

Wararka ayaa sheegay inuu ka cabanayey go’aan loogu tarxiili lahaa Soomaaliya, kadib markii codsigiisa magan-galyo doon lagu gacan sayray.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in 24 jirkan uu codsiga magan-galyo doon gudbisaday 2021. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo aan la cayimin kahor uu codsaday inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisa.

Si kastaba Arbacadii, ninkan ayaa aaday xafiiska socdaalka, wuxuuna muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo ka hor inta uusan isku shubin shidaal uu ku watay oo dhalo, kadibna uu is-gubin.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa marar badan ku kacay falal naftooda ama kuwa dadka kale halis geliyey kadib markii ay sharciyo deganaansho ka waayeen qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayadoo qaarkood ay is-dileen.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleAbwaan Tageeray kooxda Alshabaab oo Caawa Muqdisho lagu Xiray
Next articleXubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maantay ka Shiraaya Xaalada Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS