Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Guriceel, kadib markii ay shalay soo weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal la galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.
Ciidamadan oo ka baxay aagga Dhuusamareeb ayaa gaaray furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan agagaarka magaalada Guriceel, si ay ugu biiraan howlgallada ka socda halkaasi.
Ujeedka ciidamadan cusub ee tagay Burujeed ayaa ah inay xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaas oo shalay dagaal adag la galay Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, kadibna ay ka warbixiyaan qorshahooda ku aadan dagaalka adag ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.
Barujeed oo ay shalay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, balse la kulmay iska caabin ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira koonfurta Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.