Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Carafaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga rogmaday ayaa ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday dhanka degmasa Balcad, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed.
Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo kale oo la socday gaariga gadoomay oo ahaa nooca dagaalka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan shilkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa shilalka ay kusoo badanayeen laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho oo dhawaac lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana loo sababeynayaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiida marka ay isaga kala gooshaan labadaasi magaallo.