Kenya ayaa Khamiistii ka digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo qaada weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.
Dalka ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.
“Colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza waxay saamaynaysaa ammaanka caalamka,” ayay lagu yiri war kasoo baxay waaxda La-dagaalanka argagaxisada ee Kenya oo lagu soo daabacay X, oo hore loogu yiqiin Twitter.
Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii ku bogaadisay weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas fulisay dabayaaqadii todobaadkan.
Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay xustay sanadguuradii 10-aad ee kasoo wareegatay weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate ee caasimadda Nairobi sanadkii 2013-kii, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof.
Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Kenya, waxaana ka badan kaliya weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii oo ay ku dhinteen 213 qof.
Sannadkii 2002-dii, weerar ismiidaamin ah oo Al-Qaacida ay ku qaadday hoteel dalxiis oo ay Israa’iil leedahay oo u dhow magaalada xeebta ah ee Mombasa, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan saddex Israa’iili ah, halka diyaaradda Israa’iil ay si dirqi ah uga badbaaday weerar gantaal ah xilli ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Mombasa.