Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay uga sii digtay israa’iil in uu ku soo socdo dagaal xoog leh seddex maalmood ka hor intii aysan Xamaas xudduudda ka soo gudbin oo aysan weerarka ku qaadin, sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka.
Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Michael McCaul ayaa warfidiyeenka uga warramay digniintaas. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wararkaas ku tilmaamay “Been cad”.
Waxaa sidoo kale aad isha loogu hayaa sirdoonka Israa’iil sidii ay ugu guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarkii ugudhimashada badnaa ee mintidiin Falastiiniyiin ah ku qaadaan Israa’iil muddo 75 sano ah.
“Ma doonayo in aan aad ugu dheeraado xogta sirta ah, laakinse diginin ayaa la bixiyey” ayuu yiri mudanahaas ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Texas. “Waxay ila tahay in su’aashu noqonayso ilaa heerkee gaarsiisnayd” ayuu sii raaciyey.
Xukuumadda Masar si rasmi ah ugama aysan hadlin in ay diginin siisay Israa’iil, laakinse warbaahinta dalkaas oo xiriir dhow la leh sirdoonka ayaa qaar ka mid ah waxay qorayeen akhbaartaas Arbacadii.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masaarida ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in Qaahira in “wax weyn” laga soo abaabulayo Qasa.
“Waxaan uga dignay in xaalad qarax ah ay soo socoto oo ay goor dhacayso, ayna weyn tahay , laakin way fududaysteen digniintaas,” ayuu yiri sarkaalkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Sarkaalkaas wuxuu sheegay in saraakiisha Israa’iil ay iska indha tireen Qasa oo taa beddelkeeda ay diiradda saareen daanta galbeed.
Arbacadii ayaa Mr Netanyahu wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Israa’iil ay heshay digniin gaar ah ka hor intii uusan weerarku dhicin “gabi ahaanba war been abuur ah”.
“Ma jirto Farriin goor hore Masar ka timid Masar, ra’iisul wasaarahana marnaba lama hadlin lamana kulmin madaxa sirdoonka Masar tan iyo markii xukuumadda la sameeyey, si toos ah ama si dadban.”
Masar oo koontaroosha cidda soohdinteeda uga soo gudbaysa Qasa ayaa inta badan waxay kaalin dhexdhexaadineed ka qaadataa Israa’iil iyo iyo Xamaas
Yaakov Admirov oo ah la taliyihii hore ee amniga qaranka ee Netanyahu ayaa ku tilmaamay “guul darro weyn”. “Hawlgalkan wuxuu banaanka soo dhigay in awoodda sirdoonka Israa’iil aysan fiicnayn” ayuu yiri.
Wuxuu ka gaabsaday inuu sharraxo guul darrada, wuxuuna sheegay in ay tahay in cashar laga barto marka hawlgalka milateriga uu ku guulaysto hadafyadiisa muhiimka ah.