Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax xoogan oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay degmada Beledxaawo.
Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay waddo laga soo galo magaalada, isla-markaana ay ku yaallaan goobo ganacsi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedka uu ahaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi, kuwaas oo qarax miino loo dhigay
“Qaraxa wuxuu ka dhacay meel magaalada laga soo galo oo inta badan ciidamada maraan, waan meel waddo ah oo laga ganacsanaayay oo maqaayado ku yaallaan” ayuu yiri AlQaadi.
“Gaari Saksuuko ah oo ay ciidamada qateen ayuu qaraxu haleelay, khasaaraha inta la xaqiijiyay waxaa ku shahiiday 2 askari iyo dhaawacyo yaryar” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu sii hadalkiisa sii raaciyay “Qaraxyadan waxay muujinayaan tabartooda oo yaraatay, maadaama ay sii baaba’ayaan”
Gedo ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana weeraro kala duwan ay ka fuliayaan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi.