Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa u heshiisyay kooxda Al-Shabaab, kadib shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.
Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa u dhexeeyay Beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.
Saddexdaan beeleed ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, ayna iska kaashadaan howlgallada xoreygta ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.
Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna si wada jir ah u wada geli doonaan dagaalka socda.
Cali Jayte oo ka hadlay goobta ayaa ka hadlay heshiiskooda, wuxuuna sheegay in Beelaha
Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, isaguna uu wax ka hoggaamin doono dagaalka.