Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada ee Gacanta Ku Dhigi lahaa Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa...

Ciidamada Dowlada ee Gacanta Ku Dhigi lahaa Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo la Diyaariyay

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa loo diyaarinayaa in dib loogu celiyo degmooyinkii ay horay uga soo baxeen ee Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku sugan tahay.

Maalmahaan Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada diyaargarow militeri oo xoog leh, ciidamo u badan Gor Gor oo horay uga soo baxay deegaanadaas ayaa la doonayaa in hadda dib loogu celiyo.

Saraakiil militeri ayaa Mudug24 u xaqiijiyey in toddobaadkaan la qorsheynayo inay ciidamada xoogga dalka ka dhaqaaqaan xeryahooda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in degmooyinka iyo deegaanada laga soo baxay ay la xiriirto arrimo farsamo iyo xeelad militeri, balse hadda ayaa dib loo abaabulayaa howlgal mar kale lagu xoreynayo deegaanadaas.

Ciidamada ka soo baxay magaalooyinka kor ku xusan ayaa todobaadyo ka hor isugu tegay magaalada Aadan-yabaal, halkaas waxaa uga hor tegay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la isla xisaabtan iyo guubaabin kadib lasiiyey fasax maalmo ah.

Hadda ciidamada waxaa u soo dhamaaday fasaxii lasiiyey waxaana dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka soo baxeen oo Shabaab ay dib u qabsadeen, waxaana suurtagal ah inay dagaallo ku galaan oo kooxdu ay isku daydo inay difaacato.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dagaallada ugu culus ayaa hadda ka socda Galmudug.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Shabaab ku weeraray deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay, kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay difaacdaan deegaanka.

Dowladda oo war ka soo saartay dagaalkii Shabeelow waxay sheegtay in lagu laayey Shabaab badan, isla markaana khasaaraha gaaray kooxda labadii maalmood ee laaoo dhaafay uu ka badan yahay 70 maleeshiyaad iyo saraakiil ah, gaadiid badan oo duqeymo looga burburiyey.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleQoor Qoor oo ku soo laabtay Dhuusamareeb Booqdayna Guriga Askarigii isku Dhigay Gaarigii Lagu Khaarijin rabay Qoor Qoor iyo Madax kale(Sawiro)
Next articleWaare oo raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka hor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Dadka Dhuusamareeb Daga