Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey ayaa u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay inay xorey doonaan degmooyinkii dhawaan laga baxay ee Ceeldheer iyo Galcad, ilaa Ceelbuur.
“Deegaanada Bariga Galgaduud iyo Mudug waxaa u taagan oo xureynaya dadka u dhashay, ku dhashay, iyo kuwa matala oo kaashanaya CXD Soomaaliyeed,waana uga mahad-celineynaa garabka ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u ciribtirayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Yaasiin Farey.
Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkaan ku yiri “Hadalka Fiqi waxa uu lamid yahay qadafyadii uu ku suntanaa sooyaalkiisa siyaasadeed ee ahaa ‘No More Reer Hebel, iyo ijaafooyinkii uu hore ugu geystay Ciidamada Qaranka guud ahaan’ si gaar ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay sifooyin aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah”.
Yaasiin Farey ayaa ku dooday in dadka deegaanadaas ay waayo badan ku soo jireen halgan adag, isla markaana aysan u qalmin hadalo niyad jab ah, isagoo rajo ka muujiyey in mar dhow uu guuleysa doono halganka ay ku jiraan dadka dega bariga gobolka Galgaduud.
“Marnaba uma qalmaan dadka xaq u dirirka ee dhiigooda shubayey 14 bilood iyo CXDS in hadalo meel ka dhac ku ah ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta uu ka lumay bartilmaameedka iyo jeheeynta dib u xureynta dalka. #Halgankuwaa guuleysanaa,” ayuu yiri Yaasiin Farey.