Dagaal culus oo saakay Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka ku Qaadeen ayaa Alshabaab looga Saaray Degaanka Ceelgaras .
Dagaalka Ayaa Waxaa Ku Dhintay laba Xildhibaan oo ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug Kana Soo Jeeday Degmada Ceelbuur
Labada Xildhibaan ayaa lagau kaka magacaabi jiray Alle ha u naxariisto Xil. Abdullahi Ibraahim Shaaciye oo katirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusanareeb iyo Xil. Mohamed Mahamud Mohamed oo katirsanaa Baarlamaanka Galmudug
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhoow Shaacisay Qoraal kooban oo Sodaan u Qornaa:
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud halkaas oo ahayd xudunta Khawaarijta.
Ciidamada Qaranka ayaa ka wada Magaaladaas hawlgal sifayn ah.
Khawaarijta ayaa isaga carartay magaalada markii ay hareereeyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka.
Ka saarista khawaarijta ee Ceelgaras ayaa ka dhigan guul wayn oo laga gaaray Dagaalka lagula jiro Khawaarijta.