Home Wararka Maanta Alshabaab oo soo bandhigay Askari ka Tirsan ATMIS oo nool iyo Dalab...

Alshabaab oo soo bandhigay Askari ka Tirsan ATMIS oo nool iyo Dalab u Dirsaday

0

Askari ka tirsan ciidanka Ugandha ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa ka soo muuqday Video ay sii deysay Al-shabaab, kaasoo ka mid ah maxaabiis ay gacanta ku heyso kooxdaas

Waxaa uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda iyo guud ahaan madaxda dalkiisa in Al-shabaab lagala xaajoodo sii deyntiisa.

Al-shabaab ayaa askarigan ku qabatay weerarkii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose. kaasoo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka ATMIS.

Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda ku soo biiray sanadkii 1997. Bishii Abril ee sanadkan 2023 ayuu ka howlgalay xerada ciidanka ee kutaala Buulo Mareer, ka hor inta aan 26-kii May maxbuus ahaan uusan ugu gacan gelin Al-shabaab

“Farriintayda ku socota Dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay. Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno taasoo ku saabsan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn” ayuu yiri askarigan.

Waxaa uu ka codsaday dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo. isagoo sheegay in kaligiis inuusan ahayn maxbuus, balse ay jiraan maxaabiis oo ka tirsan ciidanka Uganda oo gacanta ugu jira Al-shabaab.

Dowlada Ugandha oo kumanaan askari ay ka joogaan Somalia ayaan looga baran iney maxaabiista laga qabsado kala xaajooto Al-Shabaab oo horey u dilay askar maxaabiis aheyd oo ka qeyb ka ahaa ciidanka midowga Afrika.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Galmudug oo Maantay Alshabaab ka Qabsatay Dhul Balaaran(Xog)
Next articleDawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab(Xog)