Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Beesha Xawaadle iyo Madaxwayne Xasan Shiikh oo Heshiis Rasmi ah Gaaray

Beesha Xawaadle iyo Madaxwayne Xasan Shiikh oo Heshiis Rasmi ah Gaaray

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay heshiis ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo beesha Xawaadle ku gaareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu haatan joogo madaxweynaha dowladda federaalka.

Madasha lagu gaaray heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan, odayaasha beesha Xawaadle iyo madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Villa Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in kulanka ka dhacay Maxaas lagu gaaray is-afgarad, isla-markaana lagu heshiiyay in loo midoono Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayaa lagu yir warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bulshada gobolka Hiiraan ku boggaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Al-Shabaab, isaga oo  tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, kaas oo ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ee madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan halganka.

Ujeeddada kulankan ayaa ahaa dhegeysiga tabashada ay qabto beeshaas oo degta bariga magaalada Beledweyne oo uu kasoo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhowaan sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay HirShabelle.

Ninkan ayaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan isla-markaas-na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gudaha waddanka.

Si kastaba, heshiiskan cusub ayaa meesha ka saaraya xiisaddii ka taagneyd Beledweyn ee ka dhalatay beddalka Cali Jayte oo ay ku kala tageen reer Hiiraan iyo HirShabelle.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleDowlada Qatar oo kusoo Biirtay Dagaalka Alshabaab lagula jiro(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah:Madaxweyne Xasan shiikh oo Gaaray Degmada Aadan yabaal(Sawiro)