Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta ka wada xaajoon doona Arimaha Somalia

Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta ka wada xaajoon doona Arimaha Somalia

0

Xubnaha Guddiga Milliteriga ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay maanta oo Arbaco ah yeelan doonaan kulan khaas ah oo looga hadlayo tacadiyada ay la kulmaan Carruurta Soomasliyeed ee ku nool deegaanada ay Colaaduhu ka socdaan iyo goobaha aan xasiloonayn.

Kulankaasi ayaa waxaa la sheegay inuu daba socdo shir ay Kooxda caalamiga ee u qaabilsan Badbaadinta Carruurta ku nool goobaha ay dagaalada ka socdaan ka yeesheen  xaalladda ay carruurta Soomaalida ku sugan yihiin.

Kulanka Guddiga Milliteriga ee Golaha Ammaanka ee QM ee Maanta waxay kaloo kaga xaajoon doonan Warbixin ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Carruurta ee UNICEF ku soo bandhigtay Xadgudubyada halista ee ka dhanka ah Xuquuqda Carruurta ku nool Deegaanada ay Colaadaha iyo Amni-xumida ka jiraan ee gudaha dalkeena Somalia.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay Toddobaadkan yeelan doonaan Kal-Fadhi aan weli la shaacinin xilliga la qabanayo, kaasi oo looga hadlayo Qaraarka Qabyada ee Golaha Amaanka ee QM ka soo saareen Kaydadka Dhuxusha ee yaalla magaalladda Kismayo iyo daafaheeda, oo  khatar cabsi ku ah Xaalladda Faya-qabka iyo Badqabka dadka Rayidka ee ku nool Kismaayo  iyo Deegaanada ku hareeraysan.

Ad
Previous articleIran iyo Sacuudi Carabiya oo 7 sano kadib is-dhaafsaday safiiro
Next articleSomaliland oo cafisay dhallinyarada Buurta Gacan Libaax Kula Dagaalantay una Diratay inay Galaan Dagaalka Laasacanood lagu Qabanaayo