Home Wararka Maanta Shirkii Dhuusamareeb oo lasoo Gabagabeeyey iyo Shan Qodob oo laga Soo Saaray

Shirkii Dhuusamareeb oo lasoo Gabagabeeyey iyo Shan Qodob oo laga Soo Saaray

0

Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u danbeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowladda Galmudug.

  1. QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:
  2. HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.
  • Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.
  • Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.
  • Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.
  1. XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.
▪ Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaanada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.
  1. U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).
▪ Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.
  1. DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.
  • Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.
  1. QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.
  1. MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

–DHAMMAAD–

 

Ad
Previous article“Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka”Xasan Shiikh oo Fariin Culus u Diray Alshabaab
Next articleDahab iyo doollar lagu qabtay diyaarad dhexdeeda oo cid sheegata la la’yahay