Home Wararka Maanta SSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)

SSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)

0

Xoogaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan.

Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney weerareen ka dibna nolol ku soo qabteen.

Faysal Cabdi Bootaan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee joogay taliska Goojacadde oo saaka ay dagaal ku qabsadeen xoogaga SSC.

Saldhiga Goojacadde ayaa ahaa fariisinkii ugu weynaa ciidamada Somaliland ee laga abaabulayey dagaalada iyo duqeymaha ka socday Laascaanood bilihii la soo dhaafay, in la qabsadana waxay dharbaaxo xanuun badan ku tahay Maamulka Muuse Biixi oo ilaa hadda aan ka hadlin waxa saaka dhacay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Booliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada

Xulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta

Muuqaal Duube ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu qabtay Koonfur Galbeed

Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka hor tageen weerar ay Koox ka tirsan Al shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada maamulka Koonfur

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.
Ad
Previous articleLafatagareen oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Shir Culus oo Halkaas ka Furmaaya(Sawiro)
Next articleCiidmada Dowlada oo Si rasmi ah ula wareegay Degmada Ceelbuur