Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dakada Garacad Tahay Hanti Dowladeed oo Puntland...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dakada Garacad Tahay Hanti Dowladeed oo Puntland kaligeed lahayn

0

Dowalada Soomaaliya oo khilaaf Xoogan kala dhaxeeyo Tan Soomaaliya ayaa  in mudo ah ayaa Maantay marakale khilaafkoodii Cirka isku Shareeray kadib Markii Dowalada Soomaaliya ay maantay Shaacisay Arin lama Filaan ah oo Dadka Soomaaliyeed Horay u ogayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo xero ciidan oo kuyaala Gaalkacyo, la gaday iyadoo aan dhankeeda ogolaansho laga haysan, lacagta laga baxshay oo $20malyan oo Dollarna lagu biiriyey Mashruuca dhismaha Dekeda Garacad.

Lacagtaas ayay sheegtay in ay tahay mid kalifaysa in dekeda la wada leeyahay, taas oo muujinaysa habdhaqanka dawladda Federaalka Soomaaliya, ee ku wajahan gobalka Mudug.

Hantidhowraha Guud Ee Qaranka” Maamulka Puntland waxay iibiyeen Labo xero oo Ciidanka Xooga lahaa lacagtaas ayaana lagu dhisay dakada Garacad arintaasna waxaa xisaabtankeeda uu ka dhaxeeya dowlada federalka iyo maamulka Puntland “.

Maamulka puntland ayaanan Wali wax jawaab ah kasoo Saarin Hadalkaan oo Waqti Dhow Uu shaaciyay Hanti Dhowraha Qaranka.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo war kasoo Saartay Dagaalka Tan iyo Shalay kasocda laasacaanood
Next articleWasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan oo Soo Saartay go’aan lala fajacay