Dabley hubeysan ayaa maalintii afaraad duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haysta suxufi la yiraahdo Cabdirisaaq Mire Dhoore oo hadda la shaqaynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagan yihiin dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.
Baaqyo kala duwan ayaa loo jeediyay dableyda afduubka gaystay sidii si shuruud la’aan ah ay ugu sii dayn lahaayeen suxufiga Cabdirisaaq Mire Dhoore. Booliska iyo duqeyda Beledweyne ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in la sii daayo weriyaha la afduubay.
Cadirisaaq Dhoore ayaa Kasoo Jeeda Beesha Cayr waxaana Afduub u haysta Beesha Xawaadle.
Ad