Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo dhameystiray Ciidamada Qalabka sida iyo xoogagga deegaanka ee loogu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka militari ee lagu xoreynayo magaalada Ceelbuur.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee xoogga dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), kaas oo gobolka u jooga dar-dargelinta gulufka maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.
Hawlgalkan ayaa la sheegaya in uu isugu jiri doono dhowr weji, isla-markaana uu kaabi doono midka kale ay ciidamadu ka sameynayaan koonfurta gobolka Mudug.
Hawlgalka gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadan doona diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah. Diyaaradahan ayay tahay inay weeraro dhanka cirka ka gaystaan goobaha ay ciidamada ku adkaato in si dhakhsi leh uga gudbaan.
Ma cadda tirada rasmiga ah ee askarta ka qayb qaadaneysa hawlgalkan, balse madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa dhawaan sheegay in illaa toban kun oo askari ay u diyaarsan yihiin hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.
Taliska qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu dejiyay qorshe ay ciidamadu muddo dheer ugu sii joogayaan magaalada Ceelbuur.
Taliska ayaa wada barmaamij ay ciidamada qalabka sida iyo xoogaga deegaanka isugu fidinayaan deegaanada ka baxsan Ceelbuur iyo weliba dhulka fog ee miyiga, si halkaasi looga sifeeyo kooxaha argagixisada.
Tani ayaa looga hortagaya wax kasta oo Shabaabka u suurtagelinaya inay dib iska soo abaabulaan, weerarana uga gaystaan dhulka la xoreeyay.
Ilo ku dhow dhow taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in dhowr iyo toban kun oo askari, oo isugu jira ciidamada qalabka sida iyo xoogaga deegaanka loo diiwaangeliyay hawlgaladan laga sameynayo deegaanada Galmudug iyo HirShabelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey wacad ugu maray in dowladdiisu ay dalka ka ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, tiiyoo aad mooddo in hadda ay waddadeedii ku taagan tahay.