Deegaanada Galmudug Waxaa Todobaadkii Lasoo ka Dhacay Musiibo Dadka Soomaaliyeed la Anfariireen Kadib Markii Caruur aan Qaan Gaarin oo Dhex jiifay Dugsi Quraan aano Qabiil Loogu Laayay Kuwaas oo kusugnaa Duleedka Degmada Dhabad ee Gobalka Galgaduud.
Intaas Kadib Galmidug ayaa Bilowday howlgal Lagu Baadi Goobaayo Dadkii Ka danbeeyey Dilkaas Waxaan Bilowday Howlgal Culus oo Lagu soo Qabanaayo Tagii ka danbeeyey.
Dadka Dilka Gaystay oo Kasoo jeeday Magaalada Cadaado ayaa Waxaa Halkaas Gaaray Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee kasoo Jeedo Cadaado Si ay uga Qayb Qaataan howlgalka Lagu soo Qabanaayo Gacan ku dhiiglayaasha.
Ciidamada Galmudug ayaana Galabtay Ku Guulaystay inay Gacanta Kusoo Dhigaan Sadex Cabdile oo ay Isticmaalaayeen Malewshiyaadkii Dilka Gaystay.
Gudoomiyaha Degmada Cadaado iyo Wasiirka Amniga Galmudug ayaa Fagaaro kuyaala Magaalada Cadaado kusoo Bandhigay Gaadiidkaan Waloow Aan lasoo Qaban Ragii Dilka Gaystay oo Baxsaday ayagoo Balanqaaday Ina Dhawaan Ragiina Lasoo Qaban doono.