Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo ku Dagaalamay Degmada Ceelbuur

Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo ku Dagaalamay Degmada Ceelbuur

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii  xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray agagaarka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo saacado badan qaatay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Meegaag oo hoostaga magaaladaasi, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ku sugan deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha dagaalamay ay kala hoggaaminayeen laba sarkaal oo lagu kala magacaabo Abuu Cubeyda iyo Xasan Cabdullaahi Cabdulle, kuwaasi oo uu soo kala dhex-galay khilaaf culus oo sababay inay isku fara saaraan duleedka Ceelbuur.

Labadaan nin oo ah horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa kasoo kala jeeda deegaana Ceel Garas iyo Galhareere ee gobolka Galgaduud, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray inay isku qabteen arrimo la xiriira difaacidda magaalada Ceelbuur oo ay haatan kusii dhawaanayaan ciidamada huwanta ah.

Mid kamid ah labada nin ee dagaalamay ayaa soo jeediyay in magaalada aan laga bixin ee lala dagaalamo ciidamada dowladda, halka kan kalena uu diiday arrintaasi, isaga oo sheegay inay halis uga imaan karto gulufka culus ee hataan ku wajahan gudaha magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maleeshiyaadka ay kala wataan labada horjooge ay ku kala sugan yihiin cirifyada deegaanka Ceel Meegaag, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeedo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalkaasi, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada garab ee wada dagaalamay.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Shaaciyay in Koox ka Daral Alshabaab ay Soo Baxday Tahayna in lala Dagaalamo
Next articleMadaxweyne Xassan Sheekh oo Galmudug ku Sugan mudo todobaad ah Maxa Uqabsoomay ?