Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo Shaaciyay in Koox ka Daral Alshabaab ay Soo Baxday...

Wasiir Fiqi oo Shaaciyay in Koox ka Daral Alshabaab ay Soo Baxday Tahayna in lala Dagaalamo

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa ku dhawaaqay dagaal nooc cusub oo ka dhan ah koox uu sheegay inay ka daran tahay Al-Shabaab.

Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kuwa baraha bulshada ka buun-buuniya jabka mararka qaar soo gaara ciidamada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “maafiya ma naxayaal ah.”

“Waxaa jira kooxo aan Khawaarijta aheyn oo xoriyad dalalkooda ku haysta oo Soomaali ah oo jecel askari marka la dilo in meydkiisa soo dhigaan sida Al-Shabaab-ka usoo dhigaan oo kale, oo marka baabuur ciidanka laga qabsado jecel inay buun-buuniyaan baaburkaasi,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaasi ay dowladda ka qaadeyso tallaabo, ayna la galeyso dagaal lamid ah kan kooxda Al-Shabaab, “Kooxahaas waxay u baahan yihiin dagaal gacan saar ah, diyaar sow looma ahan.”

“Dagaalkaas aniga laftigeygu qeyb ayaa ka ahay, waa dagaal culus waa kooxo manaxayaal ah oo jecel in qaraxa buun-buuniyaan, oo jecel inay dhibaatada jecel. Waa kooxo jecel in aysan nabad helin dadka Muqdisho, Baydhabo iyo Bu’aale.”

Kooxdan ayuu sidoo kale sheegay in aysan rabin in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

“Waa kuwa jecel in Khawaarijta noo joogto. Arrinta Shabaab oo laga guuleysta u arka Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrin hela, uma arkaan dhibaatada Khawaarijta ee la qabanayo ee waxay ka fiiranayaan siyaasadda ay uga aragti duwan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxay rabaan in ciidankeena guul-dareystaan oo Khawaarijta guuleystaan, kooxahaas ka aamus ma mudna oo meelaha lagu arka iyaga oo wax qoraya, iyaguna dagaalka qeyb ayay ka yihiin.”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaadaya Degmada Galhareeri
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo ku Dagaalamay Degmada Ceelbuur