Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa Gacanta Ku dhigay nin Lagu Magacaabo Cabdi ow maxamed Fiidoow oo ahaa Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab ahaana ganacsade ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
ninkaan ayaa ahaa milkiilihii Lahaa Guri Dhawaan Ciidamada Danab ay Weerareen oo ku Yaalay Degaanka Budbud ee Gobalka Shabeelada Dhexe Gurigaan ayaana Waxaa Ku Kaydsanaa Hub aad u farabadan iyo Qaraxyo Taa oo ugu danbayn ay Ciidamada Danab ku Gubeen Gurigii iyo Wixii ku jiray.
Xog aan Ka helnay Ciidamada NISA ayaa noo Xaqiijiyay in ninkaan Haatan uu ku xiranyahay Xabsi ay leedahay NISA oo su,aalo lagu waydinaayo ninkaan ayaana Shalay Galinkii Danbe Laga Qabtay Xaafada Siinaay ee magaalada Muqdisho.
cabdi ow maxamed Fiidoow ayaa wuxuu la dhashay sida la sheegay Madaxa Alshabaab ee Degaanka Budbud ninkaan ayaana Gurigiisa Alshabaab u ahaa Kaydka Hubka ee Budbud Mudo dheer oo la raadinaayay ayaa Shalay Gacanta Lagu dhigay.