Home Wararka Maanta Alshabaab oo Shirkada Hormuud Xayiraad Adag Kusoo Rogay

Alshabaab oo Shirkada Hormuud Xayiraad Adag Kusoo Rogay

0

Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogay illaa 35 Xarun oo ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ka howlgaleysay oo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka, iyagoo ku wargeliyay dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkadaas inay isaga guuraan oo ay qaataan taleefanada shirkadaha kale.

waxaana gebi ahaanba ay joojiyeen dhammaan wixii gaadiid shirkadda laheyd ee ka howlgalayay deegaanada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Al-Shabaab ka soo baxay oo ah in gebi ahaanba xireen adeegga shirkadaas, haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay Shirkadda iyo Horjoogayaasha Shabaab oo ku cadaadinayay Hormuud inay joojiyaan adeegga Shirkadda Salama Bank oo ay sheegeen in lacagaha mushaaraadka ciidamada dowladda ka qaataan bangigaas, inkastoo dalabkaas shirkaddu sheegtay in aanay u fududeyn dhaqan galkiisa.

Ad
Previous articleWasiirka cadaaladda Soomaaliya oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee Sabtidii uu ka baaqday
Next articleGudoomiye Khadiijo Aadan Dahir oo ka soo horjeesatay shaqo joojinti lagu sameeyey