Home Wararka Maanta Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee Sabtidii uu ka...

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee Sabtidii uu ka baaqday

0

Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay kulankii golaha shacabka ee Sabtidii uu ka ballansanaa isla markaana uu dib uga dhacay.

Baarlamaanka ayuu hor geeyay hindise sharciyeed kadibna waxaa la sheegay in uu iska baxay isagoon wax sharraxaad ah wasiirku ka bixin sharcigaas iyo ujeedka laga lahaa.

Xasan Macallin oo maanta hadal kooban ka horjeediyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sababta dib u dhaca keentay ku sheegay in maalintaas looga yeeray shir amniga qaranka looga arrinsanayay sidaa darteedna uu waqtigii ka soo dib dhacay.

Golaha shacabka ayaa qaarkood arrintaa ku tilmaamay dhaqan aan habbooneyn, iyagoo soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka, balse qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyay in xaaaladda aan cirka lagu shareerin oo si deggan loo maareeyo.

Ad
Previous articleKuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada
Next articleAlshabaab oo Shirkada Hormuud Xayiraad Adag Kusoo Rogay