Home Wararka Maanta Kuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada

Kuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada

0

Koox caan ah oo Kuuriyada Waqooyi ka soo jeedda ayaa si qarsoodi ah u jabsatay shabakadaha kombuyuutarrada ee horumarinta gantaallada Ruushka muddo ugu yaraan shan bilood ah sannadkii hore,Sida laga soo xigtay caddaynta farsamada ee wakaaladda wararka ee Reuters iyo falanqayn ay sameeyeen cilmi-baarayaasha amniga.

wakaaladda wararka ee Reuters ayaa heshay kooxo basaasiinta internetka ah oo ku xidhan dawladda Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo cilmi-baarayaasha amnigu ay ugu yeeraan ScarCruft iyo Lazarus.

Waxay nidaam dijitaal ah oo xigta xada si qarsoodi ah ugu rakibeen shirkadda NPO Mashinostroyeniya, oo ah xafiiska naqshadeynta gantaallada Ruushka oo ku yaal Reutov, oo ah magaalo yar oo ku taal duleedka caasimadda Moscow.

BBC ma xaqiijin karto in wax xog ah la qaaday inta lagu guda jiray faragelinta ama in macluumaadka la daalacday.

Bilihii dhowrtii bilood ee jabsashada ka dambeeyay, Pyongyang ayaa ku dhawaaqday dhowr horumar oo ku saabsan barnaamijkeeda gantaalada ballistic-ga ee mamnuuca ah laakiin ma cadda in tani ay la xiriirto jabsashada. Khubarada ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso sida dalka go’doonsan uu xitaa u beegsan doono xulafadiisa, sida Ruushka, si uu u helo tignoolajiyada muhiimka ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleKumuu ahaa wiilka arooskiisa qorsheynayay ee shilka ku geeriyooday?
Next articleWasiirka cadaaladda Soomaaliya oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee Sabtidii uu ka baaqday