Home Wararka Maanta Hoggaamiyaasha afgambiga kula wareegay Niger oo tillaabo cusub qaaday

Hoggaamiyaasha afgambiga kula wareegay Niger oo tillaabo cusub qaaday

0

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xiray hawada dalkaasi ilaa amar dambe,iyaga oo sabab uga dhigay hanjabaad faragalin milatari ah oo kaga imanaysa deriskooda.

Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujineysa in hadda aysan jirin wax diyaarad ah oo isticmaalaya hawada Niger.

Kooxda Galbeedka Afrika ee Ecowas, ayaa mar sii horreysay ka digtay inay awood u adeegsan karto haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loo soo celin.

Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Niger ay diyaar u yihiin inay difaacaan dalka.

Mr Bazoum ayaa la xiray 26-kii Juulay, iyadoo Gen Abdourahmane Tchiani, oo ahaa taliyaha ilaalada madaxtooyada, uu markii dambe ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

Afgambiga Niger ayaa waxaa cambaareyay qaar ka mid ah dalalka caalamka, oo u uku jiro Faransiiska oo gumeystay dalkaas Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXabsiga Cimran Khan ku xiranyahay oo laga walaacsanyahay
Next articleGabadhii cunto karinta u qaabilsaneed Taliyaha Xoogga iyo saraakiil kale oo kiis Alshabaab ah loo xiray