Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu eedeeyey iney askareeyeen boqolaal caruur ah sida lagu sheegay Warbixinta ka ganacsiga dadka oo ay sii daysay Dowladda Maraykanka
Warbixinta ayaa muujineysa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee weli ka socda dalka, iyadoo Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu horeeya ee lagu eedeeyay ficiladan
In Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada dowladda & kooxaha kasoo horjeeda ay askareeyaan carruurta ayaa si cad loogu sheegay Warbixinta Xoghayaha Arrimaha Dibadda.
Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay qoratay boqollaal carruur ah oo askar ah 2022 oo keliya, taasoo ka hor imaanaysa sharciga ka hortagga carruurta la askareeyo.
Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badnayd ee xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah carruurta ku sugan meelaha colaaduhu ka jiraan ee caalamka.