Mowliiid Daahir Xuseen, ismaaciil Bashiir keynaan iyo Maxamud Axmed Ismaciil oo kawada Tirsan Guutada 24aad ee lagu Magacaabo Khaalid Bin Waliid oo ka Mid ahaa Ciidamado Dhawaan laga Keenay Dalka Masar ayaa Maantay lasoo Taagay Maxkamada Ciidmada Qalabka Sida.
Sadexdaan askari ayaa Lagu Soo eedeeyey inay Gateen Sadexdii Qori iyo rasaas gaaraysay 180 Xababadood ee Qaranka Soomaaliya Ugu dhiibay inay Cadowga.kula Dagaalamaan ayagoo ka Iibsaday Qof Shacab kadibna Baxsaday Askartaan ayaa Maantay ay maxkamadu Ku eedeysay Xatooyo Xoolo Ciidan Askartaan ayaana ku sugnaa Jiida Hore ew Shabeelada Dhexe Xiliga ay Hubka Gadanayeen.
Balse Taliyaha Ciidamada Khaalid Bin Waliid Saalim Cumar Axmed ayaa Maxkamada Ka Hor sheegay in Howlgal Dheer kadib Gacanta Lagu Soo dhigay Sadexdaan Askari oo Baxasad ahaa.
Sidoo kale Wuxuu Sheegay Taliye Saalim in Sadexda Qori ay kala Baxeen 2200 oo Doolar kana Iibsadeen Ganacsade Balse Dabagal ay sameeyeen ay Gacanta Kusoo Dhigeen Hubkii laga Gatay Askartaan.
Maxkamada ayaana ku edaysay askartaan inaysan jirin baahi ku kaliftay madaama ay qaadanayeen Mushaar ka badan kan ciidamada Xooga Dalka Qaataan.
Dhagaysi dheer kadib maxkamada ayaa ku dhawaaqday ina Si degdeg ah xukuno loogu Ridi Doono eedeysanayashaan Hubkoodi Gatay Oo Haatan Ku jira Gacanta Cadaalada.