Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Xasaasi ah Layeeshay Saraakiisha Amniga(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Xasaasi ah Layeeshay Saraakiisha Amniga(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Alshabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah al-shabaab, waxayna sheegeen in la daciifiyey awooddii ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta kooxdaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;  furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

Ad
Previous articleXukunka dilka ah ee gabadha aflagaadeysay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH
Next articleQoorqoor oo xilal u Magacaabay Mas’uuliyiin cusub