Home Wararka Maanta William Ruto oo ugu danbayn aqbalay inuu la kulmo mucaaradka kenya

William Ruto oo ugu danbayn aqbalay inuu la kulmo mucaaradka kenya

0

Madaxweynaha Kenya oo sheegay unuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyaha mucaaradka Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay inuu “xili kasta” diyaar u yahay inuu fool ka fool ula kulmo hogaamiyaha mucaaradka, RailaOdinga.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii bilihii u dambeeyay ay dalka ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

‘Sida aad adiguba ogtahay, waxaan diyaar u ahay inaan kula kulmo’, ayuu yiri madaxweyne Ruto oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dhowr mar oo hore ayaa waxaa burbury wadahadallo ay lahaayeen xukumadda iyo Mucaaradka.

 

Ad