Warar Dheeraad ah ayaa Kasoo baxaaya Qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Xero Ciidan oo ku Taal Magaalada Muqdisho Gaar ahaan agagaarka Wasaarada Gashaandhiga.
Qaraxaan oo uu Fuliyay qof naftii Hure ahaa oo iskusoo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa lasheegay inay u suurta gashay inuu Gudaha Ugalo Xerada Jaala Siyaad oo Ku Taal Degmada Hodan una dhow Xarunta Gashaandhiga.
Xiliga uu qaraxu dhacayaayay Ayaa La sheegay inay ciidamada ku sugnaa xeradaas oo ahaa kuwa loo yaqaaan ciidamada 14 octoober oo ay ku jireen Safaf dhaadheer kuwaas oo samaynaayay Gaardis naftii Haligaha ayaana Dhexda Ka galay Ciidamadii Gaardiska samaynaayay Kadibna isku Qarxiyay.
Xaalada Cakiran iyo khsaaro lixaad leh ayaa Ka jira Gudaha Xerada Ciidamada Waloow Xogta Laga Helaayo ay aad u xadidantahay Madaama aytahay Xero Ciidan.
Sidoo kale Dowlada ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxaan ka dhacay Gudaha Xero Ciidan Taas oo Ceeb iyo waji gabax ku ah Lamaaha amaanka Dowlada federaalka Soomaaliya.
Xeradaan ayaa la sheegay inuu Ku wajahnaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka kaas oo la Qorshaynayay inuu lahadlo Ciidamada 14 octoober kuwaas oo la qorshaynaayay in loo raro Furimaha Dagaalka