Home Wararka Maanta Maamulka Gobalka oo Digniin Culus kaso Saaray Alshabaab Qorshaynaaya weeraro

Maamulka Gobalka oo Digniin Culus kaso Saaray Alshabaab Qorshaynaaya weeraro

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa masuuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga uga digay isku-day ay wado kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku rabto inay dad ku dhex yeelato, si ay ugu fududeeyan dhaq-dhaqaaqeeda caasimada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa si adag uga digay in wax lala wadaago Al-Shabaab.

Yabooh oo la hadlayay masuuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka ayaa ka dhawaajiyay in cadaaladda loo siman yahay, qof walba oo lagu caddeeyo in uu wax la wadaagay Shabaab la horgeyn doonno maxkamad.

“Cadowga waxa uu raba inuu dadka kala laaluusho oo isku dayo hay’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka inuu dad ku dhex yeesho, oo uu dhex-galo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Mas’uuliyad inta uu doono hala ekaato qofkii Khawaarij u dhawaada, ku raad-yeesha ama maalin wax dhex-mareen cadaaladda ayaa soo qaban doonto, u maleynmaayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan in ay kaligood wadaan.”

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu la xisaabtan ku sameynayo masuuliyiinta “si qofkii lagu helo in uu la shaqeynayo ama wax la wadaagayo Shabaab loo qabto loona horgeeyo maxkamad.”

“Dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga ha ku jiraan ama dadka shacabka ah ha ku jiraan ayaa hoggaaminaya dhibka ay caasimadda ka wadaan, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu Khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay shacabka, qof weliba waa in uu ka dheeraadaa.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar dhowr ah la sheegay inay xiriir hoose la leeyihiin xubno ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, ayada oo horay walaac looga muujiyay isku-milankaas, oo hadda u muuqda mid uu gabalku udhacay, marka la eego qorshaha dowladda federaalka ee dagaalka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleQodobada ay isku Fahmeen Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan shiikh
Next articleAlshabaab oo Dagaal Qaraar Kadib Laga Saaray Xerada Girileey