Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaake oo ka hadlayay qoraalka ay kasoo saareen xaalka siyaasadda Puntland ayaa sheegay.
1- In shirkii Isimadda Puntland uu fashilmay oo burburay, taasna ay dhankooda ku qasabtay in ay qodobadan xalka ah soo saaran.
2- In doorashada xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, lagu galo doorasho nidaamka Xisbiyada, gaar ahaana 49 mudane baarlamaan ee gobalada Mudug,Nugaal, Barri iyo Sanaag.
3- In 17-ka xildhibaan ee SSC ay taladooda yeeshaan Isimada dhaqanka ee Beesha Dhulbahante, maadaama ay marxalad dagaal kujiraan bulshada deegaanadaas.
Ad