Home Wararka Maanta Yuusuf Duqow Xuseen oo Qaraxyo ka Gaystay Muqdisho oo Xukun lagu riday

Yuusuf Duqow Xuseen oo Qaraxyo ka Gaystay Muqdisho oo Xukun lagu riday

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday nin lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sidoo kalena weerar loo adeegsaday qarax ka fuliyey magaalada caasimada ee Muqdisho.

Nikan oo lagu magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow ayaa waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan, kadib markii ay Maxkamaddu soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan oo muddo soo socday.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Yuusuf Duqow Xuseen uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo hoostagta degmada  Buur-Hakaba, uuna mushaar ahaan u qaadan jiray biishiiba $70.

Kadib waxa ay Maxkamaddu sheegtay inuu usoo wareegay magaalada Muqdisho, si uu uga fuliyo dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

“Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga filayo Muqdisho dilal iyo qaraxyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkna uu ka dambeeyay qarax bamgacmeed ah oo lagu weeraray waaxda labaad ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

“14 May sanadkaan ayaa Yuusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray waaxda labaad ee degmada Hodan” ayay mar kale sii raacisay Maxkamaddu.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous article”Taa waa idinku taageeraynaa” – Erdogan oo ku dhawaaqay moowqif aan ka farxinaynin dalka Ruushka
Next articleVilla Sòomaaliya oo Kala Furfuraysa Mooshin Culus oo Socday iyo kulankii Baarlamaanka oo maantay Baaqday