Home Wararka Maanta Xeer ilaaliyaha Qaranka Oo Masuuliyiin Hor leh uu Gudbiyay Maxakamada

Xeer ilaaliyaha Qaranka Oo Masuuliyiin Hor leh uu Gudbiyay Maxakamada

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey iney sii korodhay tirada dadka loo xiray illaa hadda kiisaska musuqa ee ka dhex jira heyadaha DF qaarkood.

Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka 10 Masuuliyiin horleh ayaa xabsiga la dhigay Baaris ayaana ku socota halka laba masuul ay baxsad ka yihiin Cadaaladda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in 40 ruux loo qabtay Musuq, 18 ka mid ahna Eeddooda Maxkamadda loo gudbiyay 12 kalena ay Baaris ku socota

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan inay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed” ayaa lagu yiri qoraal laga sii daayey warbaahinta DF

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Wasiirkii Maalyada oo laga Qaaday Xilkii Wasaradaas
Next articleWasiirka Maalyada ee Xilka Laga Qaaday oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii lagu Sameeyey