Home Wararka Maanta Taliban oo amartay in la xiro goobaha lagu qurxiyo haweenka

Taliban oo amartay in la xiro goobaha lagu qurxiyo haweenka

0

Mas’uuliyiinta Taliban ayaa amray in bil gudaheed lagu xiro dhammaan goobaha haweenka lagu qurxiyo ee dalka oo dhan, ayada oo kooxda ay sii kordhisay cadaadiska ay ku hayso dumarka.

Tan iyo markii ay xukunka qabsatay Augsut 2021, dowladda Taliban ayaa ka mamnuucday gabdhaha iskuullada sare iyo jaamacadaha, beeraha lagu nasto iyo goobaha jirka lagu dhiso, waxayna amartay inay jirkooda oo idil qariyaan marka ay banaanka joogaan.

Haweenka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u shaqeeyaan QM iyo ururada aan dowliga ahayn, waxaana kumanaan ayaga ka mid ah laga eryey shaqooyinka ama lacag lagu siiyey inay guryahooda joogaan.

Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta, ayaan sheegin sababta loo qaatay go’aanka.

“Marka ay xiraan kadib waxaan warbaahinta la wadaagi doonnaa sababta,” ayuu u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in ganacsiyada la siiyey waqti ay ku xiraan, si ay u adeegsadaan dhammaan agabka u yaalla oo aanay khasaare u gelin.

Nuqul ka mid ah amarka oo ay aragtay AFP ayaa lagu sheegay “in saldhig looga dhigay amar kasoo baxay hoggaamiyaha sare.”

Goobaha haweenka lagu qurxiyo ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan ayaa bulaalay 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay haysteen dalka.

Waxay noqdeen goobo amni ah oo haweenka ay isugu yimaadaan kuna sheekeystaan ayaga oo kasoo fogaanaya ragga, halka ay fursado ganacsi siiyeen haween badan.

Warbixin uu toddobaadkii tegay Golaha Xuquuqda Aadanaha QM u gudbiyey Richard Bennett, oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Afghanistan, ayuu ku sheegay in silaca haweenka iyo gabdhaha Afghanistan “uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu xun caalamka.”

Ku-xigeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Nada Al-Nashif ayaa intaas ku dartay: “22-kii bilood ee la soo dhaafay, dhinac kasta oo nolosha haweenka iyo gabdhaha ah waa la xaddiday.”

“Si walba waa ayaa loo takooraa,” ayey tiri.

Hogaamiyaha saree e Taliban Hibatullah Akhundzada ayaa sheegay bishii hore in haweenka Afghanistan laga badbaadinayo “cadaadis dhaqameed,” ayada oo la qaadanayo maamul Islaami ah, lana soo celinayo maqaamkooda ah ” bani’aadam xor ah oo sharaf leh.”

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay Shiikh Shariif iyo Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay
Next article”Khadka cas ayay soo dhaafeen mana u fasaxayno NATO” – Erdogan oo Cara kala Dul dhacay tillaabadii Sweden ku Gubtay Kitaabka Quraanka