Home Wararka Somaliya Galmudug Abaabul Dagaal oo ka bilowday Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya

Abaabul Dagaal oo ka bilowday Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya

0

Abaabul dagaal ayaa ka bilowday qeybo kmaid ah gobolka Galgaduud , waxaana halkaasi la geeyay ciidamo hor leh oo katirsan milatariga Soomaaliya oo qeyb ka noqonaya howlgalo cusub ay ciidanka bilaabayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa gaaray deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna halkaasi taliyaha ka bilaabay abaabulka howlgalo cusub ay ciidanka qaadayaan.

Taliyaha oo la kulmay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ayaa u sheegay in ay diyaar u noqdaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saarayo deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheneysa in la qaado howlgalo cusub oo lagu wiiqayo awoodda Al Shabaab, waxaana howlgalkan cusub la doonayaa in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Howlgalo ay horey ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ugu doonayeen in ay kula wareegaan Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa fashilmay, lamana oga taliska cusub ee ciidanka xoogga sida ay ugu guuleesan karaan in Al Shabaab laga saaro guud ahaan Galgaduud.

Ad
Previous articleUN Iyo AU Oo War Kasoo Saaray Mustaqbalka Ciidanka Burundi Ee Ka Howlgala Soomaaliya Xili la bilaamay in Laga Saaro Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo Weerar culus ku Qaaday Xero ay daganyihiin Ciidamada ATMIS