Home Wararka Maanta Karim Benzema iyo Cayaartoyda kale ee sanadkaan xajka tagay

Karim Benzema iyo Cayaartoyda kale ee sanadkaan xajka tagay

0

Malaayiin muslimiin ah ayaa sannadkan gudanaya waajibaadka xajka oo Alle uu ku waajibiyey ciddii awoodda.

Muslimiintaas waxaa ka mid ah cayaartoy magac leh oo ka cayaara horyaallada kubadda cagta e adduunka ugu caansan.

Sannad kastana waxaa xajka tagi jiray cayaartoy ay markaa ugu horreyso iyo kuwo hore u xajin jiray.

Qormadan waxaan ku eegaynaa cayaartoydaas muslimiinta ah ee u cayaara naadiyada waaweyn ee xajka gudanaya, iyo qaar hore u gutay Xajka.

Karim Benzema

Karim Musfata Benzema waa weeraryahan u safan jiray xulka qaramka Faransiiska iyo kooxda Real Madrid.

Wuxuu hadda ku biiray kooxda Al-Itixaad ee Sacuudiga. Waa 35 jir ku dhashay Lyon, wuxuuna ku guulaystay abaal marinta Ballon D’or.

Benzema dhowr goor oo hore ayuu xajiyey, waxaana aad loogu xasuustaa in cayaaraha uu safan jiray isagoo sooman xilliyada Ramadaanka.

Mesut Ozil

Ozil waa laacib u dhashay Jarmalka, laakinse waalidkiis ay ka soo jeedaan Turkiga.

Wuxuu u saftay kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo Arsenal, wuxuuna ka cayaaraa Khadka dhexe ee dhinaca weerarka.

Kooxaha kale ee uu u soo cayaaray waxaa aka mid ah Schalke 04, Werder Bremen, Fenerbahce iyo Istanbul Basaksehir oo uu hadda ka tirsan yahay

Hakan Calhanoglu

Calhanoglu waa cayaartoy Khadka dhexe ka cayaara oo ku dhashay dalka Jarmalka, laakinse ay waalidkiis ka soo jeedaan Turkiga.

Waa 29 jir, wuxuuna hadda u saftaa naadiga Inter Milan, mana aha markii ugu horreysay ee uu cibaado u tago dalka Sacuudiga.

Hore wuxuu ugu soo cayaaray Karlsruher SC, Hamburg, Bayer Leverkusen, iyo AC Milan.

Paul Pogba

Pogba waa nin hore u cibaadeysan jiray, dhowr goorna dhulka barakaysan u tegey inuu cibaadeysto.

Wuxuu u cayaaraa naadiga xulka qaranka faransiiska laakinse waalidkiis waxay ka soo jeedaan dalka Guinea.

Waa 30 jir, wuxuuna hadda ka tirsan yahay naadiga Juventus. Hore wuxuu ugu soo cayaaray kooxda Manchester United.

N’golo Kante

Kante waa 32 ku dhashay magaalada Paris, kana tirsan xulka qaranka ee Faransiiska. Waalidkiis waxay ka soo jeedaan dalka Mali.

Wuxuu 1da bisha Luulyo ku biiri doonaa kooxda Al Itixaad ee dalka Sacuudiga, isagoo ka soo wareegaya kooxda Chelsea.

Kante wuxuu hore ugu soo cayaaray kooxda Leicester city, ka hor intii uusan ku soo biirin Chelsea 2016.

Cayaartoyda hore u tegey Maka iyo Madiina si ay u soo xajiyaan ama u soo cibaadeystaan waxaa ka mi dah Nicolas Anelka, Demba Ba, Emmanuel Adebayor iyo Mike Tyson .

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleInjineer jaceyl dartiis u bixiyay sirta nukliyeerka ee waddankiisa
Next articleBaraf aan horey loo arag oo ka da’ay degmooyin ka tirsan dhulka Soomaalida (Sawirro)