Xafiiska Ergayga Imaaraadka Carabta ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in Imaaraadka Carabta ay ka dambeeyeen safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee New York.
Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta twitterka ee Ergeyga ayuu Imaaraadku ku muujiyey doorkiisa hoggaaminta shirkaas iyo in Soomaaliya tahay xubin muhiim ah.
“Anagoo ah guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaan sharaf noo lahayn inaan shirka ku casuuno madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu golaha warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UAE.
Kursiga guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa hadda haya Ergeyga Imaaraadka ee golahaas, taas oo sababtay in Madaxweynaha uu ku casuumo shirka golaha, sida uu ku shaaciyey boggiisa twitterka.
Dhinacyo tababarrada ciidamada ay ugu horeyso ayuu Imaaraadku ka taageeraa Soomaaliya oo ka soo kabaneyso colaado sokeeye, sidoo kale dano badan ayaa la aaminsan yahay in dowladda Imaaraadka ay ka dhex aragto Soomaaliya.