Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte, oo ka hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in shirar socday ilaa xalay, ay kasoo baxeen qodobada kala ah.
1- In June ilaa 10 July, Reer Hiiraan iskugu yimaadaan shir deg deg ah, si loo dhiso HiiraanState, oo uu horey u iclaamiyey bilo kahor, ayna isku raacsan yihiin dhammaan siyaasiinta beeshiisa.
2- In gobalka Hiiraan laga mamnuucay cid sheeganaysa, in ay ka tirsan tahay Hirshabeelle, xataa haddii ay joogaan aysan ka dhoofi karin garoomada diyaaradaha (Biyo baxada Raacaan).
3- In lasii wado duulaanka ka dhanka ah kooxaha nabadda diidan, furimahana la xoojiyo.
4- In laga bilaabo maanta ka dib, aan sinaba dadka Hiiraan loogu qasbi karin Maamulka Hirshabeelle oo aan deegaanka laga ogoleyn.
5- In laga mamnuucay garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo jidadka soo gala cid kasta oo kasocota Hirshabeelle, wuxuu ku hanjabay in diyaarad kasta oo jabisana ay soo ridi doonaan.
6- In cid kasta oo go’aamadan diidan oo awood ku socodsiin karta fagaaraha looga baahan yahay oo ay fasax tahay, si ay rabitaankeeda u hirgaliso. (HA IS TAAJIBISO NOOH”