Home Wararka Maanta Haweeneey la arkay iyada oo ku dhex neefsanaysa naxashkii meydkeeda la geliyay

Haweeneey la arkay iyada oo ku dhex neefsanaysa naxashkii meydkeeda la geliyay

0

Dadkii ku baroor diiqaayay aaska haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Ecuador ayaa aad uga naxay markii ay ogaadeen in ay wali nooshahay.

Bella Montoya, oo 76 jir ah, ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay todobaadkii hore ka dib markii looga shakiyay inuu istaroog ku dhacay.

Markii ay qaraabadeeda isu diyaarinayeen inay dharka ka beddelaan ka hor inta aan la aasin ayaa la arkeen iyada oo neefsaneysa.

Ms Montoya ayaa hadda ku soo laabatay cisbitaalka iyadoo ku jirta daryeelka ee dadka aadka u liita, wasaaradda caafimaadka Ecuador ayaa guddi u saartay dhacdadan.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in haweenaydu uu wadnaha ah istaagay taas oo sababtay in neefta iyo shaqada wadnuhuba istaagaan – oo aanay ka jawaabin isku dayo ay dhaqaatiirta sameeyeen ee ahaa in dib loo kiciyo.

Dhakhtarkii shaqada ku jiray ayaa xaqiijiyay dhimashadeeda.

Wiilkeeda, Gilber Rodolfo Balberán Montoya, ayay warbaahinta maxalliga ah ka soo xigatay in hooyadiis la seexiyay abbaare 09:00 subaxnimo, duhurnimadiina dhakhaatiirta u sheegeen in ay hooyadiis dhimatay.

Ms Montoya ayaa markaas kaddib lagu riday naxash muddo saacado ah ilaa ay markii dambe ay xybno qoyskeeda ka tirsan arkeen iyadoo isku dayaysa in ay neefsato.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya iyadoo dhex jiifta sanduuq furan oo neefsanaysa dhowr qofna ay hareeraheeda ku soo xoomeen.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa markaas la arkayaa iyagoo imaanaya oo eegaya Ms Montoya ka hor inta aysan saarin barele oo ay gelin ambalaas.

Hadda waxay ku jirtaa a qeypta daryeelka degdegga ah isla cusbitaalka ay dhakhaatiirtu caddeeyeen dhimashadeeda.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay Mr Balberán isagoo leh: “Wax yar ayaan ka fahmayaa waxa dhacay, hadda waxaan kaliya u duceeyaa in hooyaday caafimaadkeeda uu soo hagaago, waxaan rabaa in ay noolaato oo aan garab istaago.”

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo shaaciyay ‘marxalada uu marayo’ heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka
Next articlePuntland oo Dhalinyaradii Dhawaan Qoyska Daganaa Bosaaso Ku Xad Gudbay Oo Xukun Adag Lagu Riday