Home Wararka Maanta Xukuumada Dan Qaran oo Baarlamaanka Ku Wareejisay Heshiisyadii Mudo Kordhinta Ee Golaha...

Xukuumada Dan Qaran oo Baarlamaanka Ku Wareejisay Heshiisyadii Mudo Kordhinta Ee Golaha Wadatashi Qaran Dhawaan Gaareen

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa ku wareejiyay Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. Illaa shan heshiis ee Goluhu gaareen oo ay Puntland ka maqneyd ayaa Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo uu Guddoomiye u yahay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Xoghayaha Guddiga Saciid Cabdi Xuseen

Heshiisyadan ayaa la qorsheynayaa in laga qeyb geliyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana su’aal ka taagan tahay sida heshiisyadan waddar oggol loogu soo dabaali karo, iyadoo ay Puntland qeyb ka aheyn.

Heshiisyada lagu wareejiyay Guddiga ayaa kala ah

1- Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka Decenber, 2022

2- Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda December, 2022

3- Heshiiska astaynta iyo Wadaagga daqliga Maarso 2023

4-Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka Maarso 2023

5- Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka Maarso 2023

Ad
Previous articleTaiwan oo kicisay diyaaradaheeda dagaalka si ay uga hortagto Shiinaha Xili Xiisad Adag Ka Taagantahay Dalalkaas
Next articleMaamulka Gobalka Banaadir oo Amaro adag Soo Rogay Kadib Weerarkii Xeebta Liido