Home Wararka Maanta Taiwan oo kicisay diyaaradaheeda dagaalka si ay uga hortagto Shiinaha Xili Xiisad...

Taiwan oo kicisay diyaaradaheeda dagaalka si ay uga hortagto Shiinaha Xili Xiisad Adag Ka Taagantahay Dalalkaas

0

Ciidamada cirka ee Taiwan ayaa dhaq-dhaqaaq sameeyay Axadii ka dib markii ay arkeen 10 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ka gudbaya khadka dhexe ee xasaasiga ah ee marin biyoodka Taiwan, iyadoo wasaarada difaaca ee jasiiradaasi ay sheegtay in afar markab oo dagaal oo Shiinuhu leeyahay ay sidoo kale roondo ka fuliyeen aagaasi.

Tani waa markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah oo Taiwan ay ka warbixiso dhaqdhaqaaqyada milatari ee Shiinaha oo dib u soo cusboonaaday, ka dib markii 37 diyaaradood oo milatari oo Shiinuhu leeyahay ay Khamiistii ku duuleen aagga difaaca hawada ee jasiiradda, kuwaas oo qaarkood soo maray galbeedka Pacific.

Hadal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa lagu sheegay in saacadu markay ahayd 2:00 habeenimo (0600 GMT) oo maanta oo Axad ah ay arkeen 24 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada cirka Shiinaha oo ay ku jiraan J-10, J-11, J-16 iyo Su-30 iyo sidoo kale H- 6 bomer.

Ad
Previous articleLacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee Lasoo Daabacay Dowlada Soomaaliya oo Wadooyinka Khartuum Daadsan
Next articleXukuumada Dan Qaran oo Baarlamaanka Ku Wareejisay Heshiisyadii Mudo Kordhinta Ee Golaha Wadatashi Qaran Dhawaan Gaareen