Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali jayte oo oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab Kuna...

Cali jayte oo oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab Kuna Laabtay Baladweyne

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo la dardaarmay bulshada gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ku soo gaarsiidaan xogta nabad-diidka,” ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Gacan waxaan kula dagaalami doonaa Shabaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaba doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga dadka ku nool gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshihiisa ay ku jirto in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha gobolka wada dega, “Gudaha magaalada waxaa idin kula jira Shabaab, furintana waxaa ka dagaalamaya shacab qoryo wata, waa in lagu wada dhiirado dagaalka oo Al-Shabaab laga adkaado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan uu bilaabi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana uu la imaan doono hoggaamin dhab ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in Shabaab aan ka adkaa karno, waxaan idinka rabaa in gabar iyo wiil aysan u kala harin markaan, natiijo muuqata ayaan ka gaarnay halgankii aan horay u soo galnay bilo ka hor,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku timid Gudoomiye Maxamuud Maxamed Nuur kana Aamusay Mashaqadii Xalay Ka Dhacday Liido iyo Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay
Next articleJanan “Axmed Madoobe waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay”